Wararkii ugu dambeeyay dab khasaare badan geystay oo ka kacay Suuqa Bakaraaha

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dab khasaare badan geystay oo Xalay ka kacay qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, kasoo damintiisa ay qaadatay saacado badan.

Dabka ayaa la sheegay in markii hore uu ka kacay qeybta lagu iibiyo Maacuunta, hayeshee uu ku faafay qeybo kale ay ka mid yihiin Dahabka, Malabka iyo harqaanlayaasha Tafaariiqda, waxaana daminta dabkaasi iska kaashaday gaadiidka dab damiska ee maamulka gobolka Banaadir iyo Shirkadadaha gaarka loo leeyahay iyo dad shacab ah.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dabka ka kacay Suuqa Bakaaraha uu markii hore ka bilowday koronto ku jirtay goob maqaayad ah, hayeeshee waxaa sidaan oo kale dhowr jeer uu dab uga kacay Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ganacsi ee ugu weyn Soomaaliya.

Amaanka Suuqa Bakaraaha ee Xalay dabka ka kacay waxaa sugaayay ciidamo ka tirsan Booliiska Banaadir oo uu hoggaaminaayay Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobalka Banaadir Gaashaanle sare Macalin Mahdi oo ku sugnaa goobta Dabka ka kacay ee suuqa Bakaaraha gaar ahaan qeybta dahablaha, waxaa la fasaxay mudadii dabka la daminaayay isticmaalka Mooto Bajaajta oo horay loo joojiyay socodkeeda wixii ka dambeeya 12:00 habeenimo.

Qaar ka mid ah ganacsatada goobaha ganacsi ku lahaa meelaha gubtay oo warbaahinta gudaha la hadlay ayaa sheegeen inuu dabka baabi’iyay goobo badan oo ganacsi, islamarkaana lagu waayay hanti farabadan, hayeeshee wali tirakoob rasmi ah lagama soo saarin khasaaraha uu geystay dabka.

SHARE

LEAVE A REPLY