Wararkii ugu dambeeyay daadad khasaare geystay oo kuso rogmaday Qardho

0

Daadad xooggan ayaa xalay fiidkii ku soo rogmaday magaalada Qardho ee gobolka Karkaar, ka dib markii uu biyo keenay togga mara magaalada.

Sida wararka la helayo ay sheegayaan ilaa saddex tog oo magaalada ku soo dhaca ayaa biyo meelo fog ka yimid ku soo rogay, waxaana la soo wariyay inuu jiro khasaare nafeed iyo mid maaloliyadeed oo ka dhashay daadadkaasi.

Suxufiyiinta ku sugan magaalada Qardho ayaa soo sheegaya in ilaa laba qof oo da’ ah ay ku geeriyoodeen daadadkan,waxaana burbur xooggan gaaray guryo badan oo ay shacab daganaayeen, iyadoo dadku xalay banaanada waaga ugu baryay.

Gudoomiyah Gobalka Karkaar ayaa wariyayaasha u sheegay in reer Qardho ay gurmad deg deg ah u baahan yiniin, wuxuuna tilmaamay in biyaha dusha ay ka mareen buundada, taasoo walaac hor leh abuureysa.

“Magaalada Qardho oo dhan biyaa maraya buundadii xattaa biyuhu dushay ka mareen , roob aan onkod iyo hilaac laheyn baa magaaladii biyo badan kusoo celiyey” ayuu yiri gudoomiyaha.

Si kastaba, Laba sanno ka hor 2020-kii ayey ahayd markii magaalada uu daad xooggan aafeeyey, waxaana jiray lacago malaayiim doolar ah oo shacabka Soomaaliyeed u uruuriyeen oo gurmad ahaan loo gaarsiiyay.

SHARE

LEAVE A REPLY