War murtiyeed laga soo saaray shir weynahii Culimadda Soomaaliyeed

0

Waxaa galabta magaalada caasimadda ah ee Muqdisho lagu soo gaba-gabeeya Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed ee ka socday magaalada 23-26 Jannaayo 2023, waxaana laga soo saaray dhowr qodob.

Waxyaabaha shirka kasoo baxay ayaa waxaa ka mid ah in ugu horreyn uu cambaareeyey falkii nin xagjir ah ku gubay 21-kii Jannayo 2023 meel fagaaro ah ee magaalada Stockholm ee dalka Swedan Kitaabka Qur’aanka Kariim ah.

Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed ayaa ku bogaadiyey Madaxweynaha Soomaaliya dadaalka uu geliyay la-dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish), wuxuuna ku adkeeyey Dawladda in ay awooddeeda isu geyso ciribtirka waxa loogu yeero fikirka xagjirka ah iyo horumarinta mabaadii’da diinta suuban ee ku aaddan ilaalinta xasiloonnida, is- aqbalaadda iyo wada-nolaanshaha iyada oo la kala aragti duwan yahay.

Shirweynaha ayaa sidoo kale isku raacay in Al-Shabaab, Daacish, Shiicada iyo kooxaha la midka ah ay yihiin kooxo habawsan oo ah cadowga diinta Islaamka iyo Ummadda Soomaaliyeed, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.

Waxaa sidoo kale war-mutiyeedka lagu sheegay in Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed uu isku raacay in la macaamilka kooxaha kasoo horjeed DFS ee nooc kasta uu yahayba sida xoolo-siinta, garsoor u doonasho iyo in la qariyo qof iyaga ka mid ah, uu xaaraan yahay kana soo horjeedo dhaqanka suuban ee diinta Islaam-ka.

Ugu dambeyn waxa war-murtiyeedka lagu caddeeyey in Culimada Soomaaliyeed oo isku duuban ay Dawladda ku garab taagan yihiin dadaalka ay ku horumarinayso hannaan lagu ilaalinayo diinta Islaamka, islamarkaana ay isku raaceen in Dawladda Federaalka Soomaaliya ay mas’uul ka tahay ilaalinta diinta.

SHARE

LEAVE A REPLY