War Murtiyeed ka soo baxay Kulankii Wadatashiga ee Madaxda DF & Madaxdii hore

0

Shirkii wadatashi ee labadii maalmood ee u dambeeyay magaalada Muqdisho uga socday madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa lasoo gaba-gabeeyay.

Shirkan oo ahaa mid xasaasi ayaa waxaa guddoomiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayada oo ay ka qayb-galeen Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, Guddoomiye Shariif Xasan Shiikh Aden R/W Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, R/W Cumar Cabdirashid, R/W Xasan Cali Khayre, R/W ku-xigeen Ridwan Xirsi Maxamed, Wasiir Cabdinuur Shiikh Maxamed iyo xildhibaan Cabdulqadir Cossoble Cali.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa Maxamed Xuseen Rooble, Cali Maxamed Geedi, Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Waa laba ra’iisul wasaare oo hore iyo laba guddoomiye baarlamaan oo hore.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre iyo guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi ayaa sidoo kale kulankii maanta oo ahaa xiritaanka ka qeyb-galay.

Shirkaan ayaa waxaa looga hadlay qodobo u badan arrimaha masiiriga ah ee dalka, gaar ahaan heshiisyadii ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaran, ayada oo madaxdii hore iyo siyaasiyiinta ka qeyb-galay ay tallooyin ka dhiibteen heshiiska hanaanka doorashooyinka qoddobadiisa oo kala ah;

  1. Nooca doorashada dalka
  2. Nidaamka madaxtinimada dalka
  3. Nidaamka xisbiyada badan
  4. Guddiga doorashada qaranka
  5. Mideynta muddo xileedka hay’adaha federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedyada
  6. Habraaca dhameystirka dib u eegista Dastuurka

Sida ay shaacisay Villa Somalia lixdaan qodob ayaa waxay madaxdu aad ugu lafa-gureen shirkaan oo socday laba maalmood, ayada oo madaxdii hore iyo siyaasiyiintu ay soo jeediyeen tallooyin kala duwan oo u baahan in la tixgeliyo inta ay wada-tashiyadu socdaan.

SHARE

LEAVE A REPLY