War cusub oo kuso kordhay kiiska Taliyeyaashii NISA iyo Booliiska gobolka Hiiraan ee Muqdisho looga yeeray

0

Taliska Booliska Soomaaliya ayaa maanta taliyaha qeybta booliska gobolka Hiiraan u fasaxay shaqadiisa, kadib maalmo uu su’aalo weydiin u joogay magaalada Muqdisho.

Taliyaha booliska gobolka Hiiraan Isxaaq Cali Cabdulle oo maalmihii lasoo dhaafay la faafiyey warar sheegayey in Muqdisho looga yeeray kadibna la xiray ayaa sheegay in su’aalo laga weydiiyey qaraxyadii ka dhacay Beledweyne.

Sidoo kale Taliyaha oo ka gaabsaday inuu wareysi bixiyo ayaa cadeeyey in hadda loo fasaxay shaqadiisa oo Beledweyne uu dib ugu laabanayo.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jayte Cusmaan ayaa taliyahaan iyo kan NISA ee gobolkaas ku eedeeyey inay amniga magaalada Beledweyne dayaceen, taas oo keentay in qaraxyo waaweyn ay Al-Shabaab magaalada soo geliyaan.

Labada Taliye ee NISA iyo Booliska ayaa maalin kadib qaraxyadii Beledweyne waxaa looga yeeray magaalada Muqdisho, iyadoo su’aalo laga weydiiyey sababta ay uga hor tegi waayeen qaraxyada.

Sida ay ogaatay Warbaahinta, hadda waxaa shaqadiisa loo fasaxay Taliyaha booliska gobolkaas Isxaaq Cali Cabdulle, balse xog lagama hayo waxa laga yeelay Taliyaha NISA ee gobolka Hiiraan oo isla kiiskaan eedeymihiisa wajahaya.

Guddoomiya Cali Jeyte ayaa markii ay qaraxyadaasi dhaceen wuxuu dowladda dhexe ka codsaday in la baaro waxa sababay in labada taliye qeyb ay masuuliyad iska saari waayaan ammaanka magaalada, isagoo sheegay in hal buundo ay ka soo gudbeen 3-da gaari ee qaraxday.

SHARE

LEAVE A REPLY