Wajiga labaad ee howlgalada ka dhanka ah Shabaab oo ka bilaawday Hiiraan

0

Wajiga labaad ee howlglada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ayaa si rasmi ah uga biloowday deegaano ku yaala koonfurta magaalaada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo ku teedsan hareeraha Wabiga Shabeelle.

Howlgalada ka bilaawday Koonfurta Baledweyne gaar ahaan deegaaanada dhaca hareeraha Wabiga Shabeelle waxaa iska kaashanaya ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda, waxaa hoggaaminaya guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.

Ciidamada is kaashanaya ayaa la sheegay in howlgalada ay ku burburiyeen 10 doomood oo ay kooxda Al-shabaab u adeegsan jirtay in ciidamadooda ay u soo gudbaan deegaanada dhanka bari ee gobolka Hiiraan oo horay looga saaray Al-shabaab.

Ciidamada ayaa sidoo kale si buuxda ula wareegay gacan ku heynta deegaanada kala ah Beerxaano, Tarashante, Ceelahele iyo deegaano kale oo dagaalamayaal ka tirsan kooxda Al-shabaab mararka qaar ay tagi jirteen.

Lama sheegin wax iska caabin ah oo ay la kulmeen ciidamada iskaashanaya marka laga reebo qaraxyo hareeraha wadooyinka ay ku aaseen kooxda Al-shabaab oo ay waxyeelo dhimasho iyo dhaawacba leh kasoo gaareen laba askari oo ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya.

Guddoomiye Jeyte ayaa sheegay in marka ay soo afjaraan howlgalada haatan ay ka bilaabeen deegaanada dhaca Koonfurta Baledweyne ee ku yaala hareeraha wabiga Shabeelle, inuu xigi doono howlgalka deegaanada ku yaala Galbeedka Hiiraan.

SHARE

LEAVE A REPLY