Wadahadaladii dowladda Itoobiya iyo OLA oo natiijo la’aan kusoo dhamaaday

0

Waxaa soo idlaaday Wajigii koowaad ee wadahadallada nabadeed ee u dhexeeyay dawladda Itoobiya iyo kooxda hubeysan ee kasoo jeedda gobolka Oromada ayaa ku dhammaaday natiijo la’aan, sida ay sheegeen labada dhinac Arbacada maanta ah, iyada oo ay jirto colaad ay boqolaal qof ku dhinteen, tobanaan kun oo kalena ay ku barakaceen.

Kooxda kacdoonka ka wadda gobolka Oromiya oo ay degan yihiin qoowmiyada ugu tirada badan Itoobniya ee Oromada ee OLA ayaa muddo tobannaan sano ah la dagaalamaysay dowladda Federaalka oo ay ku eedeeyeen takoor iyo dayacaad.

“In kasta oo wadahadalladu ay ahaayeen kuwo wax ku ool ah, haddana suurtagal ma ahayn in heshiis laga gaaro arrimaha qaar intii lagu jiray wareeggii wadahadallada,” ayay dowladdu ku tiri hadal ay soo saartay, iyadoo intaas ku dartay in dhinacyadu ay ku heshiiyeen in la sii wado wadahadallada.

Wadahadalladan oo ay dhex dhexaadinayaan urur goboleedka IGAD ayaa toddobaadkii hore ka billowday jaziiradda Zanzibar ee dalka Tanzania.

Rabshadaha ka socda Oromiya, oo ku hareeraysan caasimadda Addis Ababa, ayaa madax-xanuun weyn oo dhanka ammaanka ah ku haya Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, kadib dagaal sokeeye oo laba sano socday oo ka dhacay gobolka waqooyiga ee Tigray, kaasoo dhammaaday markii labada dhinac ay gaareen heshiis nabadeed bishii November ee sannadkii hore.

Ururka Oromada oo ah ee OLA oo urur la mamnuucay oo hore uga tirsanaa Jabhadda Xoraynta Oromada ee OLF, ayaa bayaan ay soo saareen ku xaqiijiyey inay doonayaan inay sii wadaan wadahadallada, waxaana sheegeen inaan wax heshiis ah laga gaariin “arrimaha muhiimka ah”.

SHARE

LEAVE A REPLY