Wabiga Shabeelle oo naq fiican sameeyay

0

Wararka ka imaanaya deegaanada dhulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in halkaasi uu wabiga Shabeelle ka sameeyay naq aad weyn.

Deegaanka Godeey ee dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa laga soo wariyay in biyahii banaanka uga baxay wabiga iney dib ugu xaroodeen gudaha wabiga Shabeelle.

Muqaalo laga soo duubay naqa uu ka sameeyay wabiga Shabeelle deegaanka Godeey ayaa muujinaayay dhul baaxad leh oo ay horay biyaha u dhex ceegaageen oo haatan biyuhu ka baxeen, islamarkaana biyaha ay dib ugu xaroodeen gudaha wabiga Shabeelle.

Deegaanada kale ee dhulka dowlad deegaanka Itoobiya ee laga dareemay naqa biyaha wabiga Shabeelle waxaa ka mid ah magaalooyinka Qalaafe iyo Mustaxiil oo ka mid ahaa deegaanada ay fatahaadu sida weyn u saameysay.

Dadka ku nool magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo intooda badan biyaha ka barakiciyeen guryahooda ayaa Maanta si weyn u hadal haayo naqa wabiga Shabeelle ee laga soo wariyay dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Naqa laga soo sheegay Itoobiya ayaa la tilmaamay in Baledweyne uu xoogiisa soo gaari doono ugu yaraan 5 maalmood kadib.

SHARE

LEAVE A REPLY