Unicef oo walaac ka muujisay xaalada abaarta Soomaaliya

0

Xaaladda abaaraha ka jira Soomaaliya ayaa si weyn looga dayrinayaa, iyadoo hay’adaha Caalamiga ah ay muujinayaan walaacii ugu weynaa ee ku aaddan xaaladda kumanaan Soomaali ah oo qarka u saran dhimasho, kadib markii Abaaraha ka jira dalka ay gaareen xaaalado halis ah.

Hay’adda Qaramada ayaa sheegaysa in haatan ay Soomaaliya ku dhufatay Abaartii ugu xumayd,waxaana ay intaa ku dartay in daqiiqad kasta Hal qof oo ilmo yar ah la seexiyo isbitaallada daawaynta nafaqo-darrada.

“Hal qof oo ilmo yar ah ayaa daqiiqad kasta la seexiyaa isbitaallada daawaynta nafaqo-darrada Soomaaliya, halkaas oo abaar ba’an ay khatar ku tahay inay sababto dhimashada carruurta heerka dhimashadooda aan la arkin nus qarni”ayuu yiri afhayeen u hadlay hay’adda UNICEF Talaadadii shalay.

James Elder oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Geneva ayaa sheegay in xaaladda Soomaaliya ay haatan u muuqato mid kasii liidata sidii ay ahayd sanadkii 2011-kii, markaas oo ay macluul u dhinteen inka badan 250,000 oo qof.

Afhayeenka UNICEF ayaa sheegay in Soomaaliya ay qarka u saaran tahay musiibo aan wali la arkin

SHARE

LEAVE A REPLY