Turkiga oo aqbalay arin uu mudo badan diidana

0

Dowladda Turkiga oo muddo dheer Dalka Sweden kahor taagneed ku biirista NATO kuna qasbanaa dalkaas in uu helo fasaxa Ankara ayaa ugu dambeyn loo ogolaaday ku biirista Ururkaas kaddib wadahadallo waqti badan qaatay.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in uu Baarlamaanka Dalkiisa uu u gudbinayo si uu codka ugu qaado si lamid ah waddanka Finland oo ka gudbay shuruudahaan Ankara ay hordhigtay.

Ra’iisul Wasaaraha Sweden Ulf Kristersson ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay tallaabadaan maadaama riyo aan la rumeysan Karin ay ku tahay in laga aqbalo dalabkooda oo waddooyin kala duwan soo maray.

Xoghayaha Guud ee NATO Jens Stoltensberg ayaa dhankiisa xoojiyay wararka sheegaya in Turkiga uu aqbalay in Sweden dhowaan calankeeda lagu daro calamada waddamada xubnaha ka ah Isbaheysigaan oo muddo dheer ay raadineysay.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in Sweden ay aqbashay fulinta shuruudaha uu hordhigay Turkiga oo markii horayba culeys ay ka dhigeysay Xukuumadda Stockholm maadaama lagu eedeeyay in ay garab iyo gaashaan u tahay Kooxda PKK oo urur ‘Argagixiso’ ugu diiwaangashan Ankara.

SHARE

LEAVE A REPLY