Toogasho Maanta lagu fuliyay askarigii horay u dilay wasiir Siraaji

0

Dowladda Soomaaliya ayaa saakay xukun dil ah ku fulisay Axmed Cabdullaahi Cabdi Caydiid oo ahaa askari katirsan ciidanka dowladda, kaasoo hore u dilay wasiirkii howlaha guud ee dowladdi hore ee Soomaaliya, Cabaas Siraaji.

Wasiir Cabaas Siraaji ayaa la dilay afartii bishii May ee sannadkii 2017, xilli fiid ah isagoo kasoo baxay xarunta madaxtooyada Soomaaliya, kadib markii rasaas lagu riday gaariga uu watay.

Ninka xukunka dilka ah lagu fuluiyay oo katirsanaa ilaalada hanti dhowrihii qaranka, ayaa lagu helay inuu ahaa askariga riday xabadda ku dhacday wasiirka, kadib baaritaan ay sameeyeen guddi loo saaray.

Toogashadiisa ayaa ka dhacday dugsiga tababarka Gen- Gordan ee magaalada Muqdisho. Waxaana xukunkiisa uu yimid kadib muddo sanado ah oo qoyska marxuum Siraaji ay sugayeen caddaalad.

SHARE

LEAVE A REPLY