Todobaad kadib maxaa ka qabsoomay safarka madaxweyne Xasan ee Dhuusamareeb

0

Madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa sabtidii la soo dhaafay tegay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, safarkiisa ayaana maanta galay maalinkii todobaad.

Ujeedka ugu weyn ee socdaalkiisa ayaa ah dhamaystirka wajiga koobaad ee dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab, isla markaana howgallo laga bilaabo deegaannada qaar ee ku yaalla Galmudug ee ay gacanta ku hayaan al-Shabaab.

Magaalooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri ayaa ah deegaanada sida wayn xoogga loo saari doono, si loogala wareego al-Shabaab, markaa kadib ayay dowladdu shaacin doontaa inuu soo dhamaaday wejiga koowaad ee dagaalka ka dhanka al-shabaab, oo la bilaabayo wejiga labaad ee dagaalka.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa la sheegay inuu muddo ku sugnaan doono halkaas.

Madaxweyne ku xiigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid, ayaa BBC-da u sheegay in madaxweynaha uu Dhuusamareeb joogi doono muddo bil iyo bar ah, sida uu sheegayna, howlgalka ayuu maamulka Galmudug rajeynayaa in lagu soo afjari doono muddo kooban.

Howlgalkan waxaa sidoo kale qeyb ka ah duqeymo dhanka cirka ah oo ay iska kaashanayaan hay’adda nabad-sugidda Soomaaliya ee NISA iyo saaxiibbada Soomaaliya.

SHARE

LEAVE A REPLY