Taliyaha ciidanka xoogga dalka oo faahfaahin ka bixiyay qabashada Ceelbuur

0

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxiyadiin, ayaa sheegay in ay Dowladda Soomaaliya ka adkaatay Alshabaab, kadib markii gacanta lagu dhigay degmada taariikhiga ah ee Ceelbuur.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka, oo wareysi siiyay laanta VOA Somali, ayaa sheegay in ay si nabad ah kula wareegeen magaalada Ceelbuur, wuxuuna tilmaamay, Shabaabku in aysan awood u lahayn inay ka hor yimaadaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Taliyuhu wuxuu Ceel Buur ku sheegay inay ahayd meelaha Shabaabku kasoo abaabuli jireen dhibaatooyinka ugu waawayn ee ay dalka ka geysan jireen.

“Ceelbuur oo gacantooda ka baxday waxay u tahay guul darro aysan weli arag. Waana guul darro bilow u ah. Inta dhiman sidaas oo kale ayay ugu guul darraysan doonaan,’ ayuu yiri Jeneraal Ibraahim Sheekh.

Dhinaca kale, taliyaha xoogga ayaa beeniyay in degmada Ruun Nirgood ay Alshabaab dib u qabsadeen. Wuxuu sheegay koox go’doon ku jirtay inay mar yimaadeen, kuwaas oo uu sheegay in aanay jirin meel ay u baxsadaan.

Wuxuu sheegay howlgalka inuu sii socondoona illaa laga xaqiijinayo in Shabaab laga nadiifiyo dalka. Wuxuu sheegay madaxweynuhu inuu u joogo magaalada Dhuusomareeb in la xaqiijiyo sifaynta Shabaab ee degaanada Galmudug.

SHARE

LEAVE A REPLY