Taliyaha ciidanka xoogga dalka oo faahfaahin ka bixiyay khasaaraha qaraxii Xalay

0

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa faah faahin ka bixiyey qarax is-miidaamin ah oo fiidkii xalay ka dhacay xerada tabbabarka Ciidanka xoogga ee dhaga-badan oo ku taalla degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Taliye Odawaa oo la hadlay Wakaalada SONNA ayaa u sheegay qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu doonayey inuu dhex-galo dhallinyaro dooneysay inay qortaan Askarnimo uu qarxay inta uu saaran gaarin halkii bartilmaamedkiisu ahaa ee dhallinyarada.

Wuxuu xaqiijiyey Taliye Odawaa in qaraxa oo jugtiisa laga maqlay degmooyinka Gobolka Banaadir uu geystay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac, waxaana dhintay 5 qof oo isugu jiray Askar iyo dhallinyaro, halka 11 qof kalena ay ku dhaawacmeen.

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka ayaa waxaa uu hadalkiisa intaas uu kusii daray inay socdaan baaritaano xooggan oo ku aadan qaraxaas, iyo sidii looga hortegi lahaa falalka qaraxyada oo Al-shabaab la beegsato dhallinyarada qoroneysa Askarnimada.

Gaadiidka gurmadka deg-dega oo durbadii goobta qaraxu ka dhacay gaaray ayaa waxaa halkaas ka daabulay dadkii dhaawacmay, isla markaana waxaa loola cararay qaar kamid ah Isbitaalada ku yaalla magaalada Muqdisho, si xaaladdooda Caafimaad loogu dabiibo.

Si kastaba, dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa dhowr jeer qaraxyo is-miidaamin ah la beegsaday xerada nac-naca oo lagu tabbabaro Ciidanka Xoogga, sidoo kalena lagu qoro dhallinyarada dooneysa inay ku biiraan Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya.

SHARE

LEAVE A REPLY