Taliyaha Ciidanka Danab oo ku dhawaaqay wajiga labaad ee howlgalka Al-shabaab

0

Taliska Ciidamada gaarka u tababaran ee Kumaandooska DANAB ayaa sheegay in uu diyaar u yahay ka qaybgalka wajiga labaad ee howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ oo abaabulkiisa ay wadaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dalalka deriska ah.

Hoggaanka sare Ciidanka DANAB ayaa shaaciyay in ay ka go’an tahay sidii ay qayb uga qaadan lahaayeen wajiga labaad howlgalladaas ka dhanka ah ‘AS’ oo qaybtii 1aad door muuqda ay ka qaataan ciidamadaan.

Taliyaha Ciidanka kumaandooska DANAB ee Xoogga Dalka Gaashaanle Caydaruus Maxamed Xasan oo ka hadlay Munaasabad ay ku qalin jebiyeen dufcada 9aad ee Guutada 16aad oo tababar gaar ah muddooyinkii dambe qaadanayay.

Gaashaanle Caydaruus ayaa xusay in Ciidanka DANAB ujeedkii loo aasaasay in dhabbaheeda maanta hayaan taasi oo ah in kaalin weyn ka qaataan howlgallada looga soo horjeedo ‘AS’ oo goobo kala duwan oo Gobollada Dalka ah ka socda.

Waxa uu sheegay in saraakiil Muhiim ah ay uga dhinteen howlgallada balse arrintaas aanay niyad-jebin oo weli ay ka go’an tahay ciidamadaan iyo hoggaankoodaba in ay sii laba-laabaan ujeedka howlgalladaan ay wadaan.

Ciidamada gaarka u tababaran ee DANAB waxa ay taageero ciidan iyo tababar ka helaan Dowladda Mareykanka, waxa ay saldhigyo ka sameysteen Dowlad-Goboleedyad hoostaga Dowladda Federaalka si ay u ballaariyaan howlgalladooda.

SHARE

LEAVE A REPLY