Soomaaliya oo soo dhaweysay go’aan kasoo baxay Ruushka

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go’aankii uu ku dhawaaqay Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin kaas oo ahaa in 7 dal oo ku yaala qaarada Afrika oo Soomaaliya ay ku jirto uu Ruushka gaarsiin doono 25-50,000 tan oo qamadi ah.

Wasiirka warfaafinta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Daauud Aweys Jaamac ayaa arintaan ku tilmaamay go’aan wanaagsan oo dhanka samafalka ah kaas oo caawin doona kumanaan Soomaali ah oo wajahaya cuno yari ka dhalatay abaaraha soo noqnoqday iyo roob la’aanta. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay warbaahinta dowladda.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa u sheegay hoggaamiyayaasha iyo mas’uuliyiinta waddamada Afrika Khamiistii in Moscow ay siin doonto qamadi iib ah ama bilaash ah waddamada ugu baahida badan, si looga hortago hubanti la’aanta cuntada caalamiga ah ee ay sababtay diidmada Ruushka ee dhoofinta qamadiga Ukraine ee mara Badda Madow.

Putin oo ka hadlayay furitaanka shir-madaxeedka Afrika iyo Ruushka oo laba maalmood ka socda magaalada St. Petersburg ayaa yiri “Waxaan horay u sheegay in waddankeenu uu bedeli karo qamadiga Ukraine, labadaba ganacsi ahaan iyo deeqaha dalalka Afrika ee u baahan.”

SHARE

LEAVE A REPLY