Soomaaliya oo Maanta ka qeyb galaysa shirka Baarlamaanka Aduunka

0

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa magaaladda Kigali ee caasimadda dalka Rwanda kaga qeyb galaya Shirka 145-aad ee Baarlamaannada Adduunka, (International Parlaimentary Union)

Shirka-weynaha guud ayaa lagu wadaa in Maanta uu si rasmi ah u furmo,xildhibaanada ayaana waxa ay kulamo la yeesheen xubnaha Baarlamaannada waddamada Islaamka ah iyo baarlamaanka Carabta.

Labada shirba, waxaa looga hadlay xaaladaha waddamada Soomaaliya, Ciraaq, Yemen, Syria, qaddiyadda Falastiin iyo Pakistaan oo 1,700 oo qof ay ku nafwaayeen xaaladda daadadka ee dalkaas ka jirta tan iyo horraantii bishii June ee Sannadkan.

Soomaaliya ayaa dhankeeda waxaa ay shirka uga hadashay xaaladda abaarta ee ka jirta Soomaaliya iyo dagaalka ay dowladda iyo dadka shacabka oo is kaashanayaan kula jiraan Al-Shabaab, iyaga oo tilmaamay in loo baahanyahay taageero si looga guulaysto labada mushkiladoodba.

SHARE

LEAVE A REPLY