Soomaaliya iyo South Sudan oo berito wada cayaaraya finalka tartanka CECAFA

0

Soomaaliya iyo South Sudan ayaa taariikh sameeyay tartanka CECAFA ee 17 jirada, ka dib markii ay labada xulba u soo baxeen finalka tartankan.

Soomaaliya ayaa kulankii hore kasoo badisay Uganda, halka South Sudan ay ka badisay Tanzania, labadoodaba rigoorayaal ayay kusoo kala baxeen.

Wiilasha Soomaalida ayaa ahaa kuwii ugu horeeyay ee boos ka helay finalka ka dib markii ay rigoorayaal 8-7 kaga badiyeen Uganda. Koonfurta Suudaan ayaa dhankeeda rigoorayaal kagasoo baxday xulka Tansaaniya

Kulanka kama dambeysta ah ayaa Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan dhexmaridoona sabtida berito ah.

Raysal wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre oo ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa la filayaa inuu goob joog ka ahaado kulankan, si uu u dhiirri galiyo cayaartowda Soomaaliya.

Raysal wasaarah ayaa cayaartoyda Soomaaliya  u ballanqaaday abaalmarin weyn oo ay ku farxaan haddii ay ku soo guuleystaan iyo haddii aysan koobka soo qaadinba.

SHARE

LEAVE A REPLY