Soomaaliya iyo Mareykanka oo ka wada hadlay wajiga labaad ee dagaalka Al-shabaab

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Siihayaha Safiirka ahna Safiir ku-xigeenka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya, Shane Dixon, iyaga oo ka wada hadlay xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo wajiga labaad ee howlgalka dalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dowladda Mareykanka uga mahadceliyey taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhanka horumarinta, amniga, la dagaallanka Al-Shabaab iyo arrimaha bani’aadanimada.

Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoosta ka xariiqay sida ay uga go’an tahay Xukuumaddiisa dadaallada ku qotoma dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ah iyo guud ahaan in dalka looga sifeeyo muddo gaaban. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay kulanka.

Dhankiisa, Danjire Dixon ayaa ku bogaadiyey Dowladda Soomaaliya dardargelinta dagaalka ka dhanka Al-Shabaab iyo qorshayaasha la xiriira barnaamijyada mudnaanta u leh dowladda Soomaaliya.

SHARE

LEAVE A REPLY