Soomaaliya iyo Imaaraadka oo ka wadahadlay xiriirka labada dal

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Amb. Ahmed Jumah Alromaith.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo Danjire Alromaith ayaa waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka baarlamaannada Soomaaliyo iyo Imaaraadka Carabta, sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa ammaanay doorka Dowladda Imaaraadka Carabta ay ka qaadanayaan la dagaalanka argagaxisada.

DHAMMAAD

SHARE

LEAVE A REPLY