Soomaaliland oo ka walaacsan safarka Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tagay dalka Mareykanka

0

Saacado kooban kadib markii uu madaxweynaha Soomaaliya gaaray dalka Mareykanka oo uu la kulmay Pentagon dalkaasi, waxaa qeylo dhaan afka furtay Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa madaxweynaha Soomaaliya ku eedeeyay in uu ka shaqaynayo burburinta xidhiidhka bilawga ah ee Somaliland iyo Maraykanka.

Qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada ayuu Faysal ku sheegay in madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud uu kulan la yeeshay madaxda Wasaarada Difaaca Maraykanka, si uu uga hortago xidhiidhka bilowga ah ee Maraykanka iyo Somaliland.

“Xasan Sh. Maxamuud oo ay ahayd Inuu shirka Qaramada Midoobay ka qayb galo, waxa uu la shiraya Wasaarada Gashandhige ee Marayakanka si uu uga hortago xidhidhka uu Maraykanku la bilaabay Somaliland ee Pentagon ku hogaaminayso” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Waxa uu taa badal keeda madaxweynaha Somaliland ku eedeeyay in uu ka shaqaynayo isku dirka umada Somaliland “Halka Muuse Biixi uu ku hawlanyahay kala qaybinta dadka Somaliland.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud, ayaa ku sugan dalka Maraykanka oo uu kaga qaybgalayo shirka Qaramada Midoobay, wuxuuna la kulmay madaxda Wasaarada Gaashaandhiga ee Maraykanka.

Maamulka Soomaaliland ayaa mudo 30 sano ah waxay ku taameysa iney ka go’do dowlada Fedaraalka Soomaaliya, iyago mudadaasi dalalka Beesha Caalamka ka codsanaayay in aqoonsi loo siiyo gooni isku taagoodo,taaso dalalka Caalamkana aysan dhag jalaq u siinin.

SHARE

LEAVE A REPLY