Soomaalida oo doorashada dhexe ee dalka Mareykanka Taariiq ka dhigtay

0

Ugu yaraan 9 kamid ah Soomaali Mareykan ah ayaa kusoo guuleystey tartamada doorashadii xilliga dhexe ee dalka Mareykanka.

Ilhaan Cumar, oo ah siyaasiyada ugu caansan Soomaalida Mareykanka, ayaa ku guuleysatay kursigeeda Aqalka Congress-ka Mareykanka ee degmada 5-aad ee Congress-ka Minnesota.

Sidoo kale Samakaab Xuseen, Maxamuud Nuur iyo Hodan Xasan ayaa loo doortay xubinnimada Aqalka Hoose ee Minnesota. Halka Cumar Faatax mar kale dib loogu soo doortay Aqalka Sare ee Minnesota oo uu horay xubin uga ahaa.

Deeqa Dhalac iyo Maana Cabdi oo ka mid ah siyaasiyiinta da’da yar ee Soomaalida Mareykanka ayaa loo doortay Aqalka Wakiillada ee gobolka Mine ee ku yaalla cirifka waqooyi-bari ee dalka Mareykanka.

Muniira Cabdullaahi iyo Ismaaciil Maxamed ayaa sidoo kale ku jira Soomaalida ku guuleysatay tartankii ay u galeen ku biirista Golaha Wakiillada ee gobolka Ohio.

Haween kale oo Soomaali Mareykan ah oo u tartamayey xafiisyo ku yaalla gobolka Minnesota ayaa ku guuleystay, waxaana ka mid ahaa Fatxiya Feerayarre oo ku guuleysatay xubin ka tirsan guddiga dugsiyada dadweynaha ee Minneapolis.

SHARE

LEAVE A REPLY