Soomaali dil iyo dhaawac loogu geystay dalka koofur Afrika

0

Kooxo hubeysan oo burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa Xalay dil iyo dhaawac ugu geeystay Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku sugnaa goobtooda ganacsi oo ku taala deegaanka Etwetwa ee gobolka Gauteng ee dalkaasi Koonfur Afrika.

Muwaadin Maxamuud Cilmi ayaa u geeriyooday rasaas ay qeybaha sare ee jirkiisa kaga dhufteen burcada hubeeysan xili uu ku sugnaa gudaha dukaanka uu ka shaqeeynayay, waxana sidoo kale dhaawac soo uu gaaray Muwaadin kale oo dukaanka kala shaqeynaayay oo lagu magacaabo Cabdi Barre Maxamed.

Burcada dilka iyo dhaawaca u geystay labadaasi muwaadin ayaa isaga baxsatay goobta ay ku dileen ganacsatadaasi Soomaaliyeed, waxaana dilka kadib halkaasi tagay ciidamada Booliska dalka Koonfur Afrkka, kuwaas oo goobta ka sameeyay baaritaano kooban oo aysan kasoo bixin wax natiijo ah.

Dalka Koonfur Afrika waxaa mudooyinkii dambe kusoo badanaayay weerarada ay geeystaan kooxaha abaabulan ee Gangistarada ah, kuwaas oo beegsi ku haaya dukaamada ganacsiga ee u furan Soomaalida halkaasi u ganacsi tagtay.

SHARE

LEAVE A REPLY