Somali lagu dilay xadka dalalka Ruwanda iyo Congo

0

Labo Muwaadiniin Soomaali ah ayaa la sheegay in lagu dilay gaari weyn ay wateena waa lagu gubay Xadka ay wadaagaan dalalka Rwanda iyo Congo .

Gaariga ay saarnaayeen labada Muwaadin ee Soomaalida ee la gubay lana dilay ragii la socday ayaa wararku sheegayaan in uu ka safray daka Kenya.

Dadka falkaasi geystay ayaa waxaa la sheegay inay ahaayeen Kooxo Burcad ah oo inta badan dhibaatooyin u geysta dadka iyo Gaadiidka ku safra wadada u dhaxeeysa Xadka ay wadaagaan dalalka Rwanda iyo Congo.

Dowladaha Rwanda iyo Congo ayaan weli ka hadlin falkaan, waxaana horay u jirtay in wadadaas sidaan oo kale loogu dilay rag u dhashay qaar kamid ah wadamada Afrika oo halkaasi marayay.

SHARE

LEAVE A REPLY