Shirka Wasiiradda Gaashaandhiga dalalka Safka hore oo Muqdisho ka furmay

0

Waxaa si rasmi ah goordhaw magaalada Muqdisho uga furmay shirka Wasiiradda Gaashaandhigga iyo Taliyeyaasha ciidamada dalalka Soomaaliya, Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya ee la isku yiraahdo dalalka safka hore.

Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa shaacisay in shirkaan uu yahay mid diirada lagu saarayo dhameystirka howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab iyo doorka taageerada dalalkaan ka geysan karaan dib u xureynta deegaanada ay wali kaga harsan yihiin Shabaab gudaha Soomaaliya.

“Kulankan waa mid muhiim ah, sababtoo ah xaaladda amni ee hadda ka jirta Soomaaliya ma ahan mid saameyneysa Soomaaliya oo kaliya, balse sidoo kale waxaa saameynaya dalalka deriska ah. Shirkan wuxuu sahlayaa in si wadajir ah loo ciribtiro Khawaarijta” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac.

Shirkaan Maanta u furmay Wasiirrada iyo Taliyeyaasha ciidammada ayaa ah mid ay ku diyarinayaan Ajendaha shir madaxeedka beri dhacaya oo la filayo iney kasoo baxaan natiijo qeexi doonta hawlaha baaxadda leh ee lagu dhameystirayo hawlgalada milateri ee ka dhanka ah Ururka Al-shabaab iyo guud ahaan amaanka gobolka.

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa berito shir guddoomin doona shirka madaxda dalalka safka hore ku yeelanayaan magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.

SHARE

LEAVE A REPLY