Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo Maanta Muqdisho ka furmay

0

Maanta oo Isniin ah waxaa magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ka furmay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee u dhaxeeya madaxada dowladda Fedaraalka Soomaaliya, kuwa maamul goboleedyada dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Shirkaan Wadatashiga Qaran ayaa kusoo beegmay xili xasaasi ah waxaana qabanqaabadiisii ugu dambeysay saaka laga dameeramaya gudaha madaxtooyada Soomaaliya oo ay ku sugan yihiin madaxweynayaasha maamulada Jubbaland Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabeelle, iyadoona la tilmaamayo in madaxweynaha Puntland uu shirka Wadatashiga qaran uga qayb geli doono aaladda Zoomka, sida dhacday marar badan oo hore.

Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran ayaa lagu wadaa in Shirkooda uga hadli doonaan arrimo ay ka mid yihiin amniga, dagaalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ka socda gobolada dalka qaarkood, gurmadka abaaraha dalka ka jira iyo qeybsiga Kheyraadka dalka.

Waxaa sidoo kale qodobada dooda adag madaxda ka yeelaan doonaan ka mid ah muddo kororsiga madaxda dowlad goboleedyada dalka, maadaama magaalada Baydhabo uu dhawaan ka dhacay dagaal ka dhashay muddo kororsiga madaxweyne Laftagareen, islamarkaana wali ay xiisad ka jirto magaaladaasi.

SHARE

LEAVE A REPLY