Shir Kismaayo ugu soo gabagaboobay Booliiska heer Fedaraal iyo heer dowlad Gobooleed

0

Magaalada Kismaayo oo ah xarunta ku meel gaarka ah ee maamulka Jubbaland ayaa lagu soo gabagaboobay Shirka madasha Wasaaradaha Amniga iyo Taliyaasha ciidanka Booliiska heer Federaal iyo heer dowlad goboleed oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay halkaasi ka socday.

Shirkan Kismaayo lagu soo gabagabeeyay ayaa dhinacyada heer Fedaraal iyo heer dowlad goboleed waxay ku go’aamiyeen qodobo uu ka mid yahay in arrimaha Booliiska xiriirka Dibadda ee INTERPOL uu noqdo mid u gaar ah Booliiska heer Fedaraal iyo in gunooyinka ka imaanayay mashruuca wadajirka Joint Police Program (JPPG) ee la siinayay ciidanka Booliiska dowladdaha xubnaha ka ah dowladda Fedaraalka la sii joogteeyo bixinteeda.

Shirka madasha Wasaaradaha Amniga iyo Taliyaasha ciidanka Booliiska heer Federaal iyo heer maamul goboleed ee Kismaayo lagu soo gabagabeeyay waxaana ka qeybgalin maamulka Puntland oo horay u shaaciyay iney u dhaqmi doonaan sidii dowladda madax banaan oo kale.

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sulub Axmed oo ka hadlay xeritaanka shirka ayaa ku baaqay in guud ahaan Boliiska heerarkiisa kala duwan inuu ka qeyb qaato dib u xureynta dalka iyo xasilinta, qof kasta oo Booliis ahna uu safka hore ka galo dagaalka lagula jiro kooxda Al-shabaab.

SHARE

LEAVE A REPLY