Shir ka dhan ah Al-shabaab oo Maanta ka furmay Muqdisho

0

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shirka Madasha Soomaaliya iyo dalalka safka hore, kaa oo looga hadlayo isku dubaridka howlgallada dalka looga ciribtirayo kooxda Al Shabaab.

Shirkan uu guddoominayo wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa ujeedkiisa tahay in qorshe mideysan lagu bilaabo wajiga labaad ee howlgalka dib u xoreynta dalka, kaas oo ay ka qeyb gali doonaan ciidamada dalalka dariska.

Sida uu sheegay wasiirka shirkaan ayaa socon doona muddo sadex maalin ah , waxaana ka qeyb galaya wasiirrada arrimaha gudaha, cadaaladda, wasiiru dowlaha amniga gudaha iyo Taliyaasha xoogga iyo Booliiska Soomaaliya.

Shirkan waxaa sidoo kale ka qeyb galaya wasiirrada amniga dowladda goboleedyada dalka ka jira oo lagu casuumay,Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha u qaabilsan xasilinta Maxamed Cabdi Waare iyo xubno kale.

Shirkan ayaa qabsoomiya xilli dowladda Soomaaliya qorsheeneyso in la bilaabo wajiga labaad ee howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab, waxaana la hadal hayaa wajiga labaad ee howlgalka in ay ka qeyb galayaan ciidamo badan oo Itoobiyaan ah.

SHARE

LEAVE A REPLY