Shil khasaare geystay oo ka dhacay Muqdisho

0

Wararka naga soo gaaraya degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in saacad ka hor uu halkaasi ka dhacay shil baabuur oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad shacab ah oo saarna Mooto Bajaaj.

Shilka ayaa la sheegay inuu yimid, kadib markii gaari weyn oo nooca Xamuulka qaada ah uu dulmaray Mooto bajaaj, waxaana la xaqiijiyay dhimashada labada ruux iyo dhaawaca hal qof oo ahaa dadkii saarna Mooto Bajaajta.

Dad goobjoogaya ahaa ayaa warbaahinta gudaha waxay u sheegeen in qofka dhaawaca uu yahay dhaawaciisa mid halis badan, islamarkaana loo qaaday xarun Caafimaad isagoo aad u liita.

Gaariga Xamuulka ah ee shilka geystay dhimashada iyo dhaawaca leh ayaa la sheegay inuu siday biro aad u waa weyn waxaana dadka deegaanka ay sheegeen iney leedahay gaariga shilka galay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in shilkaan gaari uu yimid xili gaariga Xamuulka ah uu ku socday xawaare sare, islamarkaana wadahii gaariga uu xakameyn waayay gaariga, taasoo keentay inuu dul maro Mooto Bajaajta.

Si kastaba ha ahaatee Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaa inta badan ka dhaca shilal kala duwan ee gaadiidka, xiliyada ay marayaan waddooyinka Muqdisho, kuwaas sababa khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh oo soo gaara dadka shacabka ah.

SHARE

LEAVE A REPLY