Shil khasaare badan geystay oo ka dhacay magaalada Muqdisho

0
Exif_JPEG_420

Shil geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay Isgoyska jid mareexaan oo ku yaal Degmada Howlwadaag ee Goboblka Banaadir ka dib markii uu fariin goostay gaari nuuca xamuulka ah.

Shilka oo dhacay xilli waddada ay ahayd mid saxmad leh ayaa waxaa uu geestay khasaare hantiyadeed, iyada oo ay goobta ku burbureen Gawaarida loo yaqaan nuuca raaxada iyo Mooto Bajaajka oo xilligaas waddada isticmaaleysay.

inta la xaqiijiyay waxaa shilka ku geeriyooday Hal gabar oo ahayd Ardayad dhiganeysay Jaamacadda Soomaaliya oo ku taal Isgoyska Howlwadaag halka ay ku dhaawacmeyn in ka badan 10 ruux oo ka mid ahaa shacab waddada mararyay.

Guddoomiyeha Degmada Howlwadaag Bashiir Cabdi Maxamed oo gaaray goobta uu ka dhacay Shilka ayaa warbaahinta uga warramay sida uu u dhacay shilka; β€œXogta sida aan ku heyno dhaawac waa dhawr iyo toban ruux oo Isbitaallada la geeyay iyo Hal dhimasho ah. Weli waxa aan ku jirnaa baaritaanka.” Sida uu yiri Guddoomiyaha Degmada.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Jaamacadda Soomaaliya ayaa tacsi loogu diray Qoyska iyo Saaxiibada ay ka baxday Marxuumadda β€œMaamulka iyo Ardada Jaamacadda Soomaaliya Waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan 𝐍𝐚𝐣𝐦𝐚 π€π›ππ’πšπ¬π¬π’π¬ 𝐄π₯𝐦𝐒 oo ka tirsanayd Ardada Jaamacadda Soomaaliya oo Maanta shil ku geeriyootay. Ehelada iyo Qaraabada Samir iyo badel ka wanaagsan Allaah ha siiyo. Marxuumadana Jannadii Fardowso Allaah ha ugu deeqo”.

Muqdisho ayaa waxaa ku soo badanaya shilalka gaawaarida xamuulka ah ay geestaan, iyada oo Dowladda Hoose ee Xamar aysan xal u helin Jaamka iyo burburka waddooyinka Caasimadda ee Magaalada Muqdisho.

SHARE

LEAVE A REPLY