Sheekh Caan ah iyo Wiilkiisa oo lagu dilay Galgaduud

0

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Dhisaq Shurufle oo ka tirsan gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay Xalay halkaasi ku dileen Sheekh Caan ka ahaa deegaankaasi iyo Wiil uu dhalay

Allaha u naxariistee Sheeqa la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cisman Axmed Geedi, waxaana lala dilay wiilkiisa xili ay Tukanayeen Salaada Maqrib.

Ragga hubeysnaa ee dilka geystay ayaa la sheegay iney si deg deg ah uga baxsadeen goobta ay ku dileen Sheeqa iyo wiilkiisa sida ay xaqiijiyeen dadka ku nool deegaanka Dhisaq Shurufle ee gobolka Galgaduud.

Lama oga cida ka dambeysa dilka loo geystay Sheekh Cismaan Axmed iyo wiilkiisa, hayeeshee warar soo baxaya ayaa sheegaya in dilkaasi ay ka dambeeyaan kooxda Al-shabaab, maadama uu horay u soo noqday Sheekh Cismaan Axmed Geedi gudoomiyaha Maxkamada degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

SHARE

LEAVE A REPLY