Shan ruux oo isku qoys ahaa oo Maanta lagu dilay Galgaduud

0

Wararka ka imaanaya deegaanka Ari qaruuf oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi Maanta lagu dilay shan ruux oo isku qoys ah.

Dilka dadkaan isku qoyska ahaa ayaa la sheegay iney geysteen Maleeshiyaad hubeysanaa oo dilka kadib si deg deg ah uga baxsaday goobta.

Dadka isku qoyska ahaa ee la dilay ayaa ka mid ahaa qoysaska Xoolo dhaqato ah ee degan deegaanka Ari quruuf, hayeeshee lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka loo geystay shanta ruux ee isku qoyska ah.

Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta waxay sheegeen in dilkaan uu salka ku haayo arrimo la xiriira aanooyin qabiil iyo dilal soo laab laabtay oo horay uga dhacay deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud, mana jirto ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxaya dhanka laamaha amaanka maamulka Galmudug oo ku aadan dilka Maanta loo geystay dadka isku qoyska ahaa.

Dhacdadaan Maanta lagu dilay shanta ruux ee halka qoys kasoo jeeda ayaa imaaneysa, iyadoo bishii lasoo dhaafay ee Marso 12-keedii sanadkan 2023 ay Wasaaradda arimaha gudaha Galmudug deegaanka Xirsi lugeey ee duuleedka degmada Balanbale ku qabatay shir dib u heshiisiin ahaa oo lagu shaaciyay in la soo qaban doono cidii wax disha meel kasta oo ay tagtaan.

Deegaanada maamulka Galmudug waxaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay aad ugu badnaa dilalka qorsheysan ee la xariira aanooyinka qabiil iyo dagaal beeleedyada, hayeeshee maamulka Galmudug ayaa u muuqda inuu ku fashilmay wax ka qabashada arimahaas.

SHARE

LEAVE A REPLY