Shabaabkii ugu badnaa oo lasoo bandhigay

0

Ciidamada ammaanka ayaa Magaalada Baydhabo ee gobolka Baay kusoo bandhigay 10 xubnnood oo la sheegay inay ka tirsanayeen dagaalamaayasha AL-Shabaab.

Xubnahaasi oo ayaa isi soo dhiibay, waxaana si gaar ah uga tirsanaayeen sida la sheegay kooxda Jabhadaha ee dagaalamayaasha AL-Shabaab, iyagoo noqonaya tiradii ugu badneed ee hal mar iska soo dhiiba kooxda.

Sawiro iyo muqaalo la faafiyay ayaa muujinaya tirada Xubnahaasi la sheegay inay Al-Shabaab ka tirsanaayeen, waxaana gacanta ku haya laamaha ammaanka maamulka Koofur Galbeeed Soomaaliya.

Shalay ayay ahayd markii uu degmada Xarardheere iska soo dhiibay Maxamed Amiin ka soo goostay Al-shabaab, waxaana ay sheegeen in ay ka faaideysanayaan Cafiska Madaxweynaha Qaranka.

SHARE

LEAVE A REPLY