SAWIRO:- Ciidanka Xoogga dalka oo bilaabay caawinta Beeraleyda Buula Burte

0

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira Alshabaab ayaa bilaabay caawinta dadka shacabka ee beera qodotada ah ee ku dhaqan nawaxiga Dagmada bulabarde ee Gobolka hiiran.

Sida sawirada ka muuqda waa Ciidanka Xoogga oo aabe iyo Hooyo Soomaaliyeed ka caawinaya abuurka beertooda ka dib markii kooxdii laga dulqaaday.

Sisa ay sheegeen taliska ciidanka Xoogga dalka Maleeshiyaadka Al shabab ayaa dadkan beraleyda ah horay uga qaadan jiray dalagyada ay tabcadaan waxaana taasi ay kentay in bulshada ka dhiidhiyaan dulmiga.

Dadka beeraleeyda ayaa u mahad ciliyay Saraashiisha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee marwaliba garab taagan
Bulshada ay dhibaa teeyeen kooxda alshabaab.

 

SHARE

LEAVE A REPLY