Sarkaal sare oo shabaab ah iyo 13 xubnood oo ilaaladiisa aheyd oo lagu dilay Janaale

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar Xalay ka dhacay magaalada Janaale ee gobolka Sh/hoose, kaasoo dowladda Soomaaliya ay sheegtay in lagu dilay Sarkaal sare oo ka tirsana Al-shabaab iyo 13 xubnood oo ka mid aheyd ilaaladiisa.

War qoraal ah oo lagu daabacay bogga Twitter-ka ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay sarkaalka lagu dilay weerarka Xalay ka dhacay Janaale in lagu magacaabo Maxamed Nuur Shire oo Al-shabaab u qaabilsana gobolka Shabeelalaha Hoose.

“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa deegaanka Janaale ku dilay Horjooge Maxamed Nuur Shire oo argagixisada u qaabilsanaa Gobolka Shabellaha Hoose iyo 13 dhagarqabe oo kale, Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ka hortagay dhagar ay argagixisada u soo maleygayeen shacabka ku dhaqan deegaanka Janaale” Ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay bogga Twitter-ka Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Weerarkan lagu dilay Sarkaalka sare ee Shabaab ka tirsana iyo 13-ka xubnood ee ilaaladiisa ka midka aheyd ayaa kusoo beegmaya xili shalay dagaalo saacado badan qaatay oo geystay khasaare kala duwan, islamarkaana guulo ka kala sheegteen dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab ay ka dhaceen inta u dhaxeysa Basra iyo degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

SHARE

LEAVE A REPLY