Safiirka Soomaaliya ee dalka Sacuudiga oo sheegay inuu dhaqan xumo isaga casilay xilka

0

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sacuudi Arabia danjire Saalim Macow Xaaji ayaa iscasilay sababo la xariira dhaqan xume ay kula kaceen wafdigii madaxweynaha ee shirka Jaamacadda kaga qayb-galay magaalada Jidda ee dalka Sacuudiga.

Danjire Saalim Macow oo qoraal ku soo saaray iscasilaadiisa ayaa wuxuu ku sheegay dhowr qodobo ay ka mid yahiin, in laga reebey ka qeybgalka shirka 32aad Jaamacada Carabta oo lagu qabtey magaalada Jeddah maalinta 19ka May, 2023. Arrintaas ka baxsan nimdaamka diblomaasiyadda caalamka.

Sidoo kale Danjire Saalim Macow ayaa qoraalkiisa ku sheegay in madaxa brotokoolka Madaxweynaha Hinda Culosow ay si anshax xume ah ula dhaqantay. Cabashadiisna u gudbiyey Wasiirka Arrimaha Dibadda oo isgana ka gaabsaday in uu wax qabto.

“Madaxa brotokoolka Madaxweyna Hinda Culosow ayaa iga hor-istaagtay in aan la kulmo Madaxweyne Xasan Sheekh” ayuu qoraalkiisa ku sheega Danjire Saalim.

SHARE

LEAVE A REPLY