Sadax Sarakaal oo Shabaab ka tirsana oo Saakay la toogtay

0

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa Saakay oo Arbaco ah dil toogasho ah ku fulisay sadax Sarkaal oo ka mid ahaa kooxda Al-shabaab oo la sheegay in lagu helay dambiyo ay ka mid yihiin dilal qorsheysna iyo qaraxyo khasaare badan geystay oo ka dhacay Muqdisho.

Ragaan saakay la toogtay ayaa lagu kala magacaaba Maxamed Cabdulle Abkow Cumar (Biyamaalow), Shariif Maxamed Barqadle Ayaanle iyo Maxamed Cabdi Nuur Jiirow oo loo yaqaanay Dhaqtar Fanax, hayeeshee la xaqiijiyay in dhaqtarnimada ay sheegasho ka aheyd.

Maxkamaddu waxay sheegtay in dhamaan ragaan la toogtay ay ahayeen Saraakiil ka tirsana Shabaab oo lagu helay dembiyo isugu jiray dilal iyo hagidda qaraxyo ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Dhame Shariif Maxamed Barkhadle Ayaanle oo horay uga tirsana ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayay Maxkamadu sheegtay in lagu helay dambiyada qaraxyo iyo dilal kooxda Shabaab ka fulisay gudaha magaalada Muqdisho, islamarkaama la sheegay inuu Muqdisho Shabaab u soo galiyay gawaari qaraxyo ku rarna oo lagu qarxiyay meelo ay ka mid ahayeen Village Hotel, Baar Italia, agagaarka Mall-ka Xamarweyne, Maqaayadda Cagaweyne, Ex Bilsan Restaurant, iyo meelo kale.

Gaadiidkaasi qaraxyada lagu fuliyay waxaa hagayay oo goobahaasi kala duwan ku baakimay Dhame Shariif Maxamed Barkhadle, waxaana la xaqiijiyay inry ku dhinteen 27 ruux oo shacab ahaa iyo dhaawac intaasi ka badan.

SHARE

LEAVE A REPLY