Ruushka oo shaaciyay in diyaarad uu leeyahay lagu weeray garoonka Muqdisho

0

Safaaradda Ruushka ee Jabuuti oo sidoo kale qaabilsan Somalia ayaa sheegtay in diyaarad Helicopter ah oo Ruushka uu leeyahay lagu weeraray garoonka diyaraadaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Weerarkan ayaa safaaradu sheegtay inuu dhacay 23-kii Janaayo,balse waxaa shaaca laga qaaday Axaddii Diyaaraddan ayaana waxaa leh shirkadda UTair ee Ruushka, waxayna ka qeyb-qaadaneysay howlgalka bani’aadannimo ee QM ay ka waddo Somalia.

Safaaradda ayaa intaas ku dartay in kooxda Al-Shabaab ay ka dambeysay weerarka, islamarkaana iminka uu socdo baaritaan ku aadan dhacdadan. Kooxda Al-Shabaab ayaan wax war ah kasoo saarin weerarka.

22-kii Janaayo oo ah maalin kahor maalinta ay safaaradda sheegtay ayaa waxay kooxda Al-Shabaab weerar ku qaaday xarunta maamulka gobolka Banaadir.

SHARE

LEAVE A REPLY