Ruushka oo hanjabaad culus u jeediyay Mareykanka oo doonaya inuu Ukraine ka…

0

Dowladda Ruushka ayaa shaacisay in hadii dowlada Mareykanka ay go’aansato in Ukraine ay ka caawiso gantaalaha riddada dheer si ay dagaalka ugu adeegsato an Moscow ay uga dhigan tahay qad cas oo laga soo tallaabay jawaab culus ay ka bixin doonto.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka Maria Zakharova waxay sheegtay in haddii uu Mareykanka gantaalaha riddada dheer uu siiyo Kyiv ay ka dhigan tahay Washington khadka cas iney soo tallaawday dagaalkana ay ka mid noqotay, Ruush kana uu ku qasbanaan doono inuu qaado tallabbo qaranimadiisa uu ku difaacanayo.”

Dowlada Mareykanka ayaa dalka Ukraine horay ugu caawiyey gantaala isugu jira kuwa riddada gaaban iyo kuwa riddada dhexe oo gaaraya 50 ilaa iyo 80 km, dagaalkana loo adeegsaday.

Hadalkaan kas baxayo dwladda Ruushka ayaa ku soo beegmaya xilli dagaalka Ukraine uu waji cusub yeeshay oo deegaanno badan laga kiciyey ciidamada Ruushka.

SHARE

LEAVE A REPLY