Rutto oo shaqsi caan ah u magacaabay taliyaha NISA

0
Kenya's Director of Public Prosecutions (DPP) Noordin Haji speaks during a Reuters interview at his office in Nairobi, Kenya July 23, 2019. REUTERS/Stringer

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa Dacwad oogihii Dalkaas Nuurdiin Maxamed Xaaji u magacaabay in uu noqdo Agaasimaha hay’adda Sirdoonka Qaranka ee loosoo gaabiyo NIS sida lagu sheegay war kasoo baxay Madaxtooyada.

Nuurdiin Xaaji ayaa shaqo galkiisa waxaa kahortaagan keliya in uu helo codka Baarlamaanka Kenya oo haddii uu kalsooni gacanta ku dhigo uu xilka kala wareegi doonno Agaasimaha lagu baddelay Philip Kameru.

Dacwad oogihii hore ee Kenya ayaa kamid noqday xubno si dhow ugu soo baxay Liiska Dadka nasiibka u yeeshay in ay la shaqeeyaan Madaxweynaha Kenya William Ruto gaar ahaan marka la eego dhanka Soomaalida.

Madaxweyne Ruto ayaa howlgab ka dhigaya Agaasimaha guud ee NIS Ninka lagu magacaabo Philip Kameru oo xilkaan hayay tan iyo Bishii September 2014kii, balse uu saameeyay isbaddelka ka dhacay Dalka Kenya.

Hay’adda Sirdoonka Kenya waa meesha ugu weyn ee Indhaha lagu hayo, maadaama waaxdaan ay qaabilsan tahay xog iyo xuuraansi in ay raadiso, Nuurdiin Xaaji ayay dad badan aaminsan yihiin uu howshaan kasoo bixi karo haddii codka kalsoonida uu ka helo Baarlamaanka.

SHARE

LEAVE A REPLY