Raysal wasaare Xamse “Waxaa jira kuwa doonaya in aan laga xoroobin Khawaarijta cadawga ah oo wadaan been iyo dacaayad”

0

Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay inuu si weyn ugu faraxsan yahay inuu arko ciidamada dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda oo si wadajir ah isaga kaashanaya dagaalka ka dhanka ah Kooxda Al-shabaab.

Raysal wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay iney jiraan dad doonaya inaan laga xuroobin Ururka Al-shabaab oo dacaayad iyo been abuur la daba taagna howlgalada ka dhanka Shabaab ee hormuudka u yihiin shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaa jira kuwa doonaya in aan laga xoroobin Khawaarijta cadawga ah oo wadaan been iyo dacaayad ay ku marin habaabinayaan Kacdoonka Shacabka Soomaaliyeed, waa ii farxad inaan arko ciidamada deegaanka oo deegaano kala duwan ka kala yimid hadana iska kaashanaya xureynta kooxda Shabaab” ayuu yiri Raysal wasaare Xamse.

Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale beeniyay markale wararka la xariira in dowladda Soomaaliya ay hubeysay beelo gaar ah, isagoo sheegay in hubka ay ku dagaalamayaan dadka deegaanka inuu yahay kuwa ay iyaga iska leeyihiin dowladana ay la garab istaagtay saraakiishii hoggaamin laheyd ciidamada deegaanka.

“Waxaa hada meesha ka baxday dacaayadii aheyd dowladda beelaha ayay hubeyneysa oo ay isku direysa, maadama ciidamada deegaanka iyagoo meelo kala duwan ka yimid ay hada si wadajir ah ula dagalamayaan Shabaab, taas ayaaba guul weyn inoo ah” ayuu yiri Raysal wasaaraha.

SHARE

LEAVE A REPLY