Raysal Wasaare Xamse “Puntland waxay ka shaqeybeysa fashilinta deyn Cafinta”

0

Raysal wasaaraha xukuumada Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, inuu masuul ka yahay fashilka ku yimaada barnaamijka dayn cafinta Soomaaliya.

Raysal wasaare Xamse oo ay tahay markii ugu horreysay oo uu arrimaha Puntland si adag uga hadlo, waxa uu sheegay in aysan marnaba raali ka noqon doonin in la fashiliyo geeddiga dheer ee loosoo galay daynta cafinta.

Xamse wuxuu sheegay fashilka kaste oo ku yimaada dayn cafinta inuu masuul ka noqonayo madaxweynaha Puntland, isagoo ugu baaqay madaxweyne Deni in arrimaha dayn cafinta uusan siyaasad soo dhex galin.

Dhinaca kale, raysal wasaare Xamse oo ka hadlay arrimaha doorashooyinka Puntland, ayaa caddeeyay in Dowladda federalka aysan marnaba raali ka ahaan doonin doorasho horseeda burbur ku yimaada Puntland.

“Waxaa fiican inay dadku is doortaan oo doorasho xor ah la aado. Laakiin ka warama haddii ay keenayso burburka Puntland. Waa in sidii lagusoo caano maalay lagu socdaa, oo wax lawada oggol yahay lala yimaadaa, haddii kale maya,” ayuu yiri raysal wasaare Xamse.

Xamse wuxuu sheegay in aysan gorgortan ka galidoonin in dagaal laga rido Puntland oo nabad galyadeeda iyo jiritaankeeda lagu xadgududbo. Wuxuuna ku baaqay in odayaasha dhaqanka talada dib loogu celiyo.

Hadalkaan kasoo yeeray Xamse ayaa kusoo beegmaya, iyadoo uu si toos ah usoo ifbaxay khilaafka ka dhaxeya maamulka Puntland iyo dowladda Fedraalla Soomaaliya.

SHARE

LEAVE A REPLY