Raysal wasaare Xamse oo shaaciyay tirada magaalooyinka laga xureeyay Al-shabaab

0

Raysal wasaaraha Xukuumadda fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo Xalay ka qeyb galay munaasabad afur ah oo lagu maamuusaayay sanad guuradii koowaad ee kasoo wareegatay markii magaca AMISOM loo badalay ATMIS ayaa ka mahadceliyay doorkooda ku aadan nabadeynta iyo xasilinta Soomaaliya.

Raysal wasaare Xamse oo munaasabada ka hadlaayay ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka gaartay howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab, islamarkaana laga xureeyay in ka badan 70 magaalo iyo tuulooyin kale oo ku yaala sadax gobol oo ka mid ah dalka.

Wuxuu xusay in magaalooyinkaas ay haatan xur ka yihiin Ururka Al-shabaab, islamarkaana qorshaha dowladda uu yahay in magaalooyinkaas laga hirgaliyo adeegyada aasaasiga u ah bulshada.

“Waxaan rajeyneynaa in aan aragno Soomaaliya cusub mustqablka dhow, Soomaaliya ka xurowday deyn, Al-Shabaab iyo xasillooni daro siyaasadeed. Waxaana ku han weynahay xaqiijinta taageero aan ku hiigsanno himilooyinkeena istiraatijiga ah” ayuu yiri Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barrr

Raysal wasaare Xamse ayaa sidoo kale tilmaamay in Xukuumaddiisa dagaalada ka dhanka ah Shabaab ay ku wajahday sadax jiho oo horseed u noqday in jab xoogan lagu gaarsiiyo Ururka Al-shabaab.

Gabagabadii Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa xusay in dalalka dariska la ah Soomaaliya ay diyaar u yihiin iney ka qeyb qaataan howlgalada dalka looga sifeynayo kooxda Al-shabaab.

SHARE

LEAVE A REPLY