Raysal wasaare Xamse oo magacaabay wasiiro cusub

0

Rayaal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay xubno wasiirro ah.

“Ra’iisul Wasaaruhu markuu arkay:

Qodobka 97aad faqradiisa 3aad e Dastuurka KMG.

Qodobka 98aad faqradiisa 2aad Xar. A&B ee Dastuurka KMG.

Qodobka 100aad Xarfaha A, B iyo C ee Dastuurka KMG.

Howlaha baaxadda leh ee horyaala Xukuumadda JFS.

Markuu tixgeliyay:

Talada Madaxweynaha JFS

Markuu garowsaday:

Baahida loo qabo magacaabidda Xubnahan Golaha Wasiirrada JFS, wuxuu magacaabay” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Xamse

Wasiirada la mahacaabay ayaa kala Cabdikariim Cabdow Xaydar – Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo Axmed Jaamac Cumar – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu kula dardaarmay in xilkooda u gutaan si waafaqsan Dastuurka, ummadda Soomaaliyeedna ugu adeegaan si ay ku dheehan tahay Alle ka cabsi iyo masuuliyad.

Raysal wasaare Xamse ayaa u rajeeyay in Eebbe uu ku asturo masuuliyadda culus ee loo igmaday.

SHARE

LEAVE A REPLY