Raysal wasaare Xamse oo maanta u ambabaxay dalka Masar

0

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre iyo xubno katirsan Xukuumaddiisa ayaa maanta u safray Jamhuuriyadda Carabta Masar gaar ahaan Magaalada Sharm El-Sheikh oo lagu qabanayo shir lagu casuumay ka qaybgalkiisa.

Shirkaas waxaa looga hadlayaa ‘Isku-dabaridka Ganacsiga gaarka loo leeyahay’ si ay door uga qaataan dedaallada wax looga qabanayo saameynta taban ee Isbaddelka Cimillada sida lagu yiri War kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi.

Kulamo gaargaar ah ayuu Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barrre la qaadanayaa Madaxda Jamhuuriyadda Carabta Masar, Mas’uuliyiinta ka qaybgaleysa shirka iyo marti kale oo madasha lagu casuumay sida ay xaqiijiyeen ilo ku dhow safarkiisa.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar oo uu kaga qaybgalayo shir madaxeed looga hadlayo Isku dubaridka Ganacsiga gaarka loo leeyahay si ay door uga qaataan dadaallada wax looga qabanayo saameynta isbeddelka Cimillada” ayaa lagu yiri warka lagu daabacay Barta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

“Kulanka oo ah midka sanadlaha ee Bangiga Horumarinta Afrika ayaa sidoo kale madaxdu uga doodi doontaa caqabadaha heysta dhaqaalaha adduunka iyo doorka bangiyada horumarinta ee caalamiga ah” ayaa lasii raaciyay warka.

SHARE

LEAVE A REPLY