Raysal wasaare Xamse oo Maanta lacag abaal marin ah siiyay Muwaadin Sheegay…

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoonsiiyey lacag dhan 20kun oo dollar muwaadin Soomaaliyeed oo la sheegay in uu soo sheegay mooto Bajaaj lagu soo buuxshay walxa qarxa, taas oo doonayay in lagu qarxiyo Beerta Nabadda.

Shaqsiga la siiyay abaalmarinta lacageed ayaa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waxa uu xaddiday xogtiisa sida; Sawirkiisa iyo Magaciisa, iyada oo ay abaalmarinta si wada jir ah u guddoonsiiyeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo Agaasimaha NISA Mahad Salaad.

Munaasabadda lagu guddoonsiinayay lacagta ayaa waxa ay ka dhacday Xarunta Taliska Guud ee NISA oo lagu daah furayay Xafiiska Garmaqalka Dadweynaha oo isku xiri doona Taliyaha HSNQ iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in tallaabadani ay ku timid wadashaqeynta iyo kalsoonida ay bulshada Soomaaliyeed ku qabaan hay’adaha ammaanka, isaga oo ku ammaanay muwaadinkaas dhiiranaanta iyo wadaniyadda uu muujiyey ee uu ku badbaadiyey nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

SHARE

LEAVE A REPLY