Raysal Wasaare Xamse oo Maanta Daahfuray Imtixaan ay fariisteen 8 kun oo Macalin

0

Raysal wasaaraha Xukuumada Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa Maanta daahfuray imtixaan ay u fariisteen 8,000 oo Macalimiin ah, islamarkaana laga doonayo in laga soo xulo 3,000 oo Macalimin ah oo ay Shaqaaleeysiineyso Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Faarax Sheekh Cabduqaadir ayaa sheegay in 8,000 ee Macalin ay Maanta imtixaanka ku galeen 22 goobood oo ku yaala 11 magaalo oo ay ugu horeyso magaalada Muqdisho iyo magaaloyin kale oo ka mid ah dowlad goboleedyada dalka.

Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in Xukuumadda ay dedaal xoogan ku bixineyso tayaynta Waxbarashada iyo Mustaqbalka Ardayada Soomaaliyeed.

“Waa lagama maarmaan in dowlada adeeg siiso shacabkeeda, dowladdu waxay qaadaa Canshuur, Canshuurtaas dadku waa iney ku noqotaa iyada oo adeeg ah, sida adeeg amni, adeeg Waxbarasho iyo adeeg Caafimaad, tana waa adeega Waxbarashada oo aan bilownay ilaahey idinkiis, Xukuumadda Dan-Qaran waxay ahmiyadda koowaad siineyso sidii canshuurta laga qaado dadka Soomaaliyeed dib loogu celin lahaa, si fursad waxbarasho loo siiyo Saddex Milyan oo carruur Soomaaliyeed, kuwaas oo gaaray da’dii waxbarasho” ayuu yiri Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Xamse Cabdi Barre ayaa sidoo kale sheegay in lala xisaabtami doono Macalimiinta Soomaaliyeed Waxbarashada ay siiyaan ardayda Soomaaliyeed iney tayo ahaan u dhiganto Canshuurta laga qaado Waalidiintooda.

“Waa maalin ku cusub Ummadda Soomaaliyeed in 3 kun oo macallin la qaadanayo si caddaalad ah, Waxaana la siin doonnaa mushaar mas’uuliyad ka fuuleysa oo ah in laga bixinayo Canshuur laga soo qaaday Hooyo Soomaaliyeed ee bannaanka la fadhiso Yaanyada iyo dhowrka xabo ee Muuska ah” ayuu yiri Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Gabagabadii Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee degan goobihii waxbarashada dalka guud ahaan in ay banneeyaan, si loogu adeeggo ubadka Soomaaliyeed, isagoona faray Hay’adaha Amniga iyo Wasaaradda Waxbarashada in ay iska kaashaadaan soo celinta goobahaasi.

SHARE

LEAVE A REPLY