Raysal Wasaare Xamse oo kulan gaar ah la qaatay Raysal wasaareyaashii hore

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa Magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay labo kamid ah Ra’iisul Wasaarayaashii dalka soo maray oo kala ah Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

Ugu horreyn Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa Ra’iisul Wasaarayaasha hore warbixin kasiiyay shaqada Xukuumadda iyo guulaha ay ku tallaabsatay oo ay ugu horreyso dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, halka uu maraayo barnaamijka deyn cafinta oo heer gebo-gebo ah ku dhow. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiirka koowaad ee Xukuumadda.

Sidoo kale kulanka Wasiirka koowaad ee Xukuumadda ayaa Ra’iisul Wasaarayaashii hore ee dalka soo maray la wadaagay hannaanka dalka looga qadaayo cuna-qabateynta hubka iyo sidii Dowladda Soomaaliya dhammaadka sannadka 2024 ula wareegi lahayd amniga dalka

Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa ka mid ah Madaxdii Hore iyo siyaasiyiinta dalka, oo shir wadatashi ah uu uga furmay magaalada Muqdisho iyaga iyo madaxda dowladda Federaalka, kaas oo lagu gorfaynayo xaaladda dalka, amniga, dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, dib u eegista dastuurka iyo dimuqoraadiyeynta dalka.

SHARE

LEAVE A REPLY