Raysal Wasaare Xamse oo ka hadlay baabi’inta xilkiisa

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, oo ka qayb galay Munaasabad casho sharaf ah oo maamulka Gobolka Banaadir u sameeyay xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran, ayaa uga mahadceliyey bulshada caasimadda sida ay ugu dhabar adaygeen marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay dowlad-dhiska Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Muqdisho ay soo ka soo gudubtay dhibaatooyin badan oo isugu jira qax, burbur iyo colaado daba dheeraaday, hadana ay ku socoto jidkii horumarka iyo dib-u-dhiska, bulshadana dib loogu soo celiyey talada, si ay hoggaankooda u soo doortaan.

“Magaalada Muqdisho waa meesha ay taal astaanta Soomaalinimada, sharafka, cisiga iyo garaamada qofka Soomaaliyeed. Haddii Muqdisho sharfoontahay dadka Soomaaliyeed baa sharfan Haddii Muqdisho dhibantahay dadka Soomaaliyeed baa dhibban,” sida uu yiri Wasiirka koowaad ee Xukuumadda.

Ra’iisul Wasaara ayaa sheegay in dalka oo yeesho Madaxweyne iyo ku xigeen aysan ka dhignayn in la burburinayo nidaamka federaalka, isaga oo ugu baaqay siyaasiyiinta in la yareeyo walaaca iyo shakiga la xiriira arrintan, ujeedkuna uu yahay in shacabka talada dib loogu celiyo.

“Qaar waxa ay dhaheen waxaa la sameenayaan Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeenka oo Ra’iisul Wasaarihii waa la tuurayaa, marka Federaalkii baa ba’ay muu Mareykanka ka baaba’o,” sida uu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya xilli dhawaan Magaalada Muqdisho lagu soo idleeyay shirka Golaha Wadatashiga Qaran, kaas oo lagu go’aamiyay habraaca doorashada soo socda, iyada oo Madaxda isku raacday in sanadka 2024 guud ahaan dalka laga hirgaliyo doorasho qof iyo cod.

SHARE

LEAVE A REPLY