Raysal wasaare Xamse oo gaaray degmada Aadan Yabaal

0

Raysal wasaaraha Xukuumada Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhaw gaaray degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhaxe oo dhawaan laga saaray kooxda Al-shabaab.

Wafdiga Raysal wasaaraha oo ay qeyb ka yihiin Wasiiro iyo Xildhibaao ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa halkaasi waxaa kusoo dhaweeyay madaxweyaha maamulka Hirshabeelle, ku xigeenkiisa, saraakiisha ciidanka dowladda Soomaaliya, hoggaamiyaasha ciidanka dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool degmadaasi

Raysal wasaare Xamse iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa iney saacadaha soo socda kulamo kula qaataan gudaha degmada Aada Yabaal madaxda Hirshabeelle hoggaanka ciidanka dowladda, kuwa dadka deegaanka iyo waliba qeybaha kala duwan ee shacabka ku dhaqan degmada khadiimiga ah ee Aadan Yabaal.

Wararka la xariira socdaalka Maanta uu ku tagay degmada Aada Yabaal Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale waxay sheegayaan in raysal wasaare Xamse iyo wafdigiisa ay sidoo kale tagi doonaan degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan oo ka mid ah magaalooyinka laga saaray Ururka Al-shabaab.

Safarkaan uu Maanta Raysal wasaaraha Soomaaliya uu ku tagay degmada Aadan Yabaal ayaa qeyb ka ah safaro dhiiragalin ah oo ay madaxda dowladda Soomaaliya ku tagaan deegaanada iyo degmooyinka ay ciidamada iskaashanaya kala wareegaan kuwa Ururka Al-shabaab.

SHARE

LEAVE A REPLY